Maxay dhiig bixintu muhiim u tahay?

Dhiigga la bixiyo wuxuu muhiim u yahay bukaannada u baahan dhiig ku shubista sababo la xiriira cudur, qalliin, shil ama xaalad degdeg ah awgood.

Dhiig bixinta waa hab sahlan oo lagu caawin karo dadka kale

Hal dhiig bixin ayaa caawin karta saddex bukaan ah. Adeegga dhiigga ee Finland (Veripalvelu) ayaa mas’uul ka ah dhammaan daryeelka dhiig helista ee dalka Finland, waxaana adeeggaan uu xaqiijiyaa in dhiigga la helo uu ammaan yahay, islamarkaana si fudud loo heli karo markii loo baahdo. Dhiig ku shubista waa hab ammaan ah oo bilaash ama lacag la’aan ah oo wax wanaagsan lagu samayn karo. 

Sanad kasta dalkaan Finland gudihiisa tiro ku dhow 40 000 oo bukaan ah ayaa hela wax dhiigga laga sameeyay. Sida uu qabo sharciga, dhiig bixinta waa bilaash, islamarkaana waa mid ikhtiyaari ah, waana arrin aad muhiim ugu ah ilaalinta badbaadada dhiigga. 

Waxaan u baahannahay dhiig bixiyayaal cusub oo ka kala yimid dalal kala duwan. 

Yaa ku habboon inuu noqdo dhiig bixiye? 

Caafimaad iyo nololwanaag: Dhiig bixiyuhu waa in uu yahay qof caafimaad qaba, oo nololwanaagsan. 

 

Xadka da’da: Dhiig bixiyuhu waa in uu yahay qof da’diisu u dhexeyso 18-70 sano. Qofka markiisii ugu horraysay dhiigga bixinaaya waa in uusan ka weyneyn 59 sano.
 

Xadka miisaanka: Miisaanka dhiig bixiyaha waa in uu ahaadaa ugu yaraan 50 kg, ugu badnaanna 200 kg.
 

Taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka: Dhiig bixiyuhu waa in uu leeyahay taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka ee dalkan Finland.
 

Kaarka aqoonsiga: Dhiig bixiyuhu waa in uu wataa aqoonsi shakhsiyadeed rasmi ah oo caddaynaaya taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka, sida leysinka gaariga ama rukhsadda gaariga lagu kaxeeyo.
 

Meesha uu deggan yahay: Dhiig bixiyuhu waa in uu yahay qof si joogto ah u deggan Finland, waddan ka mid ah dalalka waqooyiga yurub ama iskaandaneefiyaanka, dalalka ku bahoobay uruurka Midowga Yurub iyo ururka Efta ama dalka Ingiriiska.
 

Aqoonta luqadeed: Dhiig bixiyuhu waa in uu awoodaa in uu foomka su’aalaha ee xaaladda caafiimaad, uu ku buuxin karo luqadaha af-finishka, af-iswidhishka iyo af-ingiriiska
 

Heerka hemogolobiinta: Waa in heerka hemogolobiinta ee dhiig bixiyaha uu yahay mid wanaagsan (dumarka ugu yaraan 125 g/l, ragga 135 g/l). Himogolobiinta heerkeeda waxaa mar walba lagu cabbiraa goobta dhiig bixinta, uma baahnid inaad horay u sii  ogaato. 

Daawooyinka: Daawooyin dhif ah ayaa qofka ka horistaagi kara dhiig bixinta. Waxa ugu muhiimsan waa cudurka daawadaas loo isticmaalaayo.
 

Adigoo sameeya saami qaadista ama baaritaanka degdegga ah (pikatesti), ayaad ku kala ogaan taraa in aad ku habboon tahay in aad noqoto dhiig bixiye iyo inkale.

10 tallaabo oo aad dhiig bixiye ku noqon karto – hab fudud oo lagu caawiyo dadka kale 

1. Tijaabi ama baar in aad ku habboon tahay in aad noqoto dhiig bixiye:

Haddii aad markii ugu horraysay dhiig bixinayso ama muddo dheer laga joogo dhiig bixintaadii ugu dambaysay, waxaad samayn kartaa baaris degdeg ah oo dhanka internetka ah, si aad u ogaato inaad dhiig bixin karto iyo in kale.
 

2. Raadi meesha kuugu dhow ee dhiigga lagu bixiyo

oo ka qabso ballan wakhtiga adiga kugu habboon ah. Haddii uu jiro wakhti bannaan, waxaan si farxad leh u qaabilaynnaa xitaa dadka aan haysan wakhtiga ballanka.
 

3. Buuxi foomka su’aalaha caafimaadka:

 

Buuxi Foomka su’aalaha caafimaadka ee elegtorooniga ah maalinta dhiig bixinta ama ugu horrayn maalinta ka horreysa dhiig bixinta. Foomkan su’aalaha caafimaadka waa mid lagu xaqiijinaayo ammaanka dhiig bixiyaha iyo qofka dhiigga lagu shubaayo.
 

4. Dhiig bixinta kahor:

Sidii caadiga ahayd wax u cun oo u cab, laakiin ka fogoow cuntooyinka culus dhowr saacadood kahor dhiig bixinta.

5.Isdiiwaangelinta:

 

Marka aad timaaddo goobta dhiig bixinta, iska diiwaangeli mishiinka lambarka kaltanka, ama kalkaalisada caafimaadka. Si aad isudiiwaangeliso waxaa aad u baahan tahay kaarka aqoonsiga ee wakhtigiisu shaqaynaayo, kaasoo ay ku qoran tahay taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka.

6. Isla eegidda foomka su’aalaha caafimaadka iyo cabbirka hemoglobiinta:

Kalkaalisada ayaa si gaar ah u eegeysa xaaladdaada caafimaad, waxaa ay cabbiri doontaa hemogolobiinta, iyadoo ka qaadaysa farahaaga. Haddii wax walba ay sax yihiin, dhiigga waad bixin kartaa! Dhiig bixintu mar walba ma ahan mid suurtaggal ah, laakiin wax dhibaato ah ma lahan. Ma jirto imaansho ballan oo macno darro ah.

7. Dhiig bixinta

 

waxaa ay qaadataa qiyaastii 10 daqiiqo oo keliya, waxaad arrinkaas ku badbaadin kartaa nafta qof uun dadka ka mid ah. Dhiig bixin kasta kahor waxaa qofka laga qaadayaa saami dhiig, kaasoo lagu baaraayo nooca dhiigga iyo fayrasyada. Arrinkaan uma baahna duris gooni ah.

8. Ku raaxayso cabbitaannada lagu siiyay, oo naso maalinka inta ka hartay

Dhiig-bixiyayaasha waxaa la siiyaa cabbitaan, qaxwe ama kafee, shaah iyo sidoo kale cunto fudud. Xusuusnow in aad maalinkaas wax u cabto si ka badan sidii caadiga ahayd, kana fogoow jimicsiga, sawnada iyo wax kasta oo keeni kara dhidid.

9. Dhiirrigeli dadka kale!

Waxaa si joogto ah loogu baahan yahay dhiig bixiyayaal cusub. Waxaad nagala socon kartaa barta aan ku leennahay baraha bulshada (@veripalvelu), oo la wadaag asxaabtaada waxyaabaha aan faafinno. Si aad ah ayaan ugu farxaynnaa haddii aad cusboonaysiin ku samayso baraha bulshada xilliga dhiig bixinta, @veripalvelu oo aad annaga nagu darsato.

10. So dhowoow mar kale!

Dhiig bixin walba waa mid aad muhiim u ah. 

Sidee ayaad u dhiirrigelin kartaa dadka kale? 

Xitaa haddii aadan adigu dhiig bixin karin, haddana caawimaad waad ka gaysan kartaa arrinkaas, adigoo dadka kugu dhow ku dhiirrigelinaaya dhiig bixinta si ay u badbaadiyaan naf. 

1. U sheeg asxaabtaada muhiimadda dhiig bixinta:

U sheeg saaxiibbadaada iyo qoyskaaga sababta ay dhiig bixintu muhiimka u tahay iyo sida uu arrinkaas saamaynta ugu yeelan karo nolosha dadka. Sidoo kale waxaad xogta dadka kula wadaagi kartaa baraha bulshada, oo waxaad ku dhiirrigelin kartaa dadka kale in ay sidaan oo kale sameeyaan.
 

2. Abaabul munaasabado dhiig bixin oo wadajir ah:

Waxaad la abaabuli kartaa saaxiibbadaada ama qoyskaaga munaasabado dhiig bixin oo wadajir ah. Tani waxay noqon kartaa wax wanaagsan iyo wakhti qiimo leh oo aad wada qaadataan, iyadoo isla wakhtigaasna aad samaynaysaan arrin wanaagsan oo badbaado ah. Waxaad sidoo kale u soo jeedin kartaa goobta shaqadaada ama kooxaha aad ka tirsan tahay ee hiwaayadda, in la sameeyo koox dhiig bixiyayaal ah ama in la oggolaado dhiig bixinta inta lagu jiro shaqada.

3. Bixi taageero iyo dhiirrigelin:

 

Dad badan ayaa laga yaabaa in ay ka laballabeeyaan dhiig bixinta, sababtoo ah ma yaqaannaan waxa dhacaaya. Saaxiibkaa waxa aad u raaci kartaa dhiig bixinta, si aad wehel ugu noqoto.  Labadiinnaba waxaan idiin haynnaa kafee iyo wax wanaagsan! 

Ku soo biir, oo caawimaad ka gayso badbaadinta nafta!